Wasaaradda Maaliyadda oo Kulan muhiim ah la Qaadatay Hay’adda iibka iyo Qandaraasyada Puntland.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Ahna Agaasimaha ku xigeenka guud ee Maamulka iyo Maaliyadda Cabdiqaadir Cali Jaamac (Keenadiid) oo uu weheliyo Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo matalayey Gudiga hawlaha guud Ganacsiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo Qandaraasyada ee Golaha Wakiillada Puntland iyo Lataliye sare ee Madaxweyne ayaa kulan muhiim ah la qaatay Hay’adda iibka iyo Qandaraasyada.

Shirka ayaa ajandihiisu daaranaa talo soo jeedin sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan wax qabadka Hay’adda iibka iyo Qandaraasyada.

Ugu dambeyn Kulankan muhiimka ah ayaa ku soo dhammaaday guul iyada oo ay dhinacyada kala duwan ee shirka ay soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah si kor loogu qaado shaqada Hay’adda iibka iyo Qandaraasyada.

KAAH NEWS

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *