Urur Siyaasadeedka Kaah Xafiiska Gobolka Bari oo Kulan La Yeeshay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Guddiyada Fulinta Urur Siyaasadeedka Kaah Ee Gobolka Bari Iyo kan Degmada Boosaaso ayaa maanta kulan muhiim ah kula Yeeshay Xafiiskiisa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Federalka Iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda  Puntland Mudane  Mohamed Ahmed Kulan.

Kulankaas oo ahaa kulan is xog wareysi ah iyo dar dardargelinta hawlaha shaqo ee ururka, Wasiirku waxa uu sidoo kale dhiirigeliyey hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada Puntland ee curdanka ah ee Hormuud uu yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Dr. Said Abdullahi Deni. 

“Kaah waa kaahiyaha hormuud hirgelinta dimaqraadiyadda Puntland” 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *