Puntland Saaka waxaa ka qabsoomaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga sare iyo Dugsiga dhexe.

Waxaa u fariisanaysa In ka badan 17,000 arday ( toban iyo todono kun) oo iskugu jira fasalada 8,aad ee dugsi dhexe iyo kan 12,aad dugsi sare.

Shan kun oo kamida toban iyo todobada kun ee arday ayaa ah ardada fasalka 12,aad ee dugsiga sare, halka ay 12 kun yihiin ardada fasalka 8,aad ee dugsiga dhexe. Ardada ayaana imtixaamka ku galaya goobo loo asteeye oo ku kala yaal deeganada Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *