Muxuu Daranyahay Shirka ka furmaya Muqdisho ee ay iskugu imanayaan Madxada Golaha Wadatashiga Qaran.

Muqdisho 24-June-2021: Waxaa magaalada Muqdisho ka Furmaya Shir ay iskugu Imaanayaan Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya ee uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble iyo Madxada Dowladdaha Xubanaha ka ah DFS.

Shirkaan ayaa Ajandihiisu yahay Dhammaystirka Hishiiskii 27-May-2021 ee lagu saxiixay hab qabashada Doorshada Qaranka iyada dhawaan Golaha wadatashiga Qaran ay soo magacaabeen Guddiyada Doorshada heer Federaal iyo heer Gobol.

Dhinaca kale Shirkaan ayaa qorshihiisu ahaa in uu ka dhoco Caasimadda Ku-meel gaarka ah ee Jubbaland ee Kismaayo, balse Diidmo uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa sababtay in loo weeciyo Magaalada Muqdisho.

Sida muuqata Farmaajo ayaa weli waxaa uu daaha hoostiisa ka maamulayaa Ra’iisul wasaaraha kalsoonida badan la siiyey ee Rooble, waxaana muuqata kalsooni darro badan oo ay muujinayaan dhinacyada kala duwan e Siyaasadda Sooomaaliya.

Uga dambayn waxaa indhaha lagu hayaa waxa ka soo bixi doona shirkaan ka furmaya magaalada Muqdisho, waxaana muuqata durba dedeaalo loogu jiro in qaar kamaid ah qodobada Hishiiska Doorashada in wax kabadal lagu sameeyo.

KALA SOCO KAAH NEWS WIIXI SOO KORDHA

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *