“Mudug waxay heshey Madaxweyne U damqaday siiyeyna Mudnaanteedii”

Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxwenaha Said Abdullaahi Deni ayaa markii ugu horeysay waxaa ay shaqo wanaagsan ka qabatay Amniga Gobolka Mudug, taas oo ah arrin ay baahi weyn u qabeen Bulshada Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo.

Madaxweyne Said Abdullaahi Deni oo ka duulaya baahida shacabka gobolka Mudug ay u qabaan Amni iyo xasilooni oo 30 kii sanno ee ugu danbeysay ku jiray dagaalo, barakac iyo xasilooni darro uu sababay bur-burkii Dalka 1991.

Iyada oo  oo ay u dheertahay muddo 15 sanno ah in si joogto ah ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab u beegsanayeen Haldoorkooda, Cuqaashooda, Siyaasiyiintooda, Culumadooda, Waxgardkoodaba iyo dhammaan qofkii ka dhaq-dhaqaaqyey ee ahaa indhaha Bulshada,

Madaxweyne Deni oo gudanaya Waajibka ka saran Bulshada uu Madaxweynaha u yahay, kana damqaday Haldoorka maalin walba dhiigoodu daadanyo ayaa waxaa uu isbadal weyn ku sameeyey Laamaha Amniga Gobolka Mudug, Maamulka gobolka iyo Garsoorkaba.

Taas ayaana dhalisay in Amniga guud ee gobolka iyo Degamada Gaalkacyo uu wax badan iska badalo, iayada laamaha Amniga gobolka Mudug oo kaashanaya Shacabka ay gacanta ku soo dhigeeen Dhammaan Horjoogayaashii Kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee Al-shabaab u qaabilsanaa laynta iyo dhammaynta Haldoorka Gobolka Mudug.

Dhinaca kale, howlagalo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu soo qabtay shabakado Al-shabaab u qaabilsana Qaraxyada iyo Dilalaka iyaga oo muddo 15 sano aha ka hawl galayey gobolka Mudug, kuwaas oo ay kamid yihiin Horjoogayaashii u qaabilsanaa kooxda Al-shaydaan Gobolka Mudug.

Maxakamada Darjada 1-aad ee Ciidmadda Qalabka Sida iyo danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn ayaa waxaa ay ku ridday 10 Horjooge oo Qirtay Amarada, Dilalka iyo Qaraxyada Lagu laayey Haldoorkii Puntland Dil toogasho ah.

Shacabka Gobolka Mudug ayaa waxaa u baryey waa cusub iyo Yididiilo soo gashay 15 sanno kadib in laga soo dhex qabtay cadawgii ku dhex dhuumalaysanayey ee dhulka ku daadiyey Dhiiga Haldoorkoodii, gaabisna galiyey horumarkoodii, waxayna jawi cusub taasi galinaysaa in hormarka Gaalkacyo uu noqodo mid cagihiisa ku istaaga.

Shacab iyo Dowlad wada shaqeeya waxay horseedaa Horumar, Barwaaqo Iyo Guul in laga gaaro caqabad kasta oo hortimaada Bulshadaas Horumarkeeda, taasna waa tay ku horumareen Dowladaha aan maanta ka sugno Deeqda.

Bulshooy aan la shaqayno Dowladda

By.Abadalle Guure

KAAH NEWS

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *