Madaxweynaha Deni qaabilay Adam Mataan OBE.

Madaxweyanaha Dowladda Puntland Mudane Said Abdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ku qaabilay adam matan OBE.

Adam Mataan OBE waa hogaamiye bulsho-Soomaali-British ah una ololeeya arrimaha bulshada. Waa Agaasimihii hore ee Dhaqdhaqaaqa La-dagaallanka Qabyaaladda Waxaa uu Aas’aasa hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo la aasaasay 2010 si loola dagaallamo qabyaaladda iyo sinnaan la’aanta bulshada Ingiriiska iyo Soomaalida.

Queen Elisabeth 2-aad waa Boqoradda Boqortooyada Ingiriiska ayaa guddoonsiisay derejada waxqabad ee loo yaqaan #OBE,

Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa ku bogaadiyey Aadam shaqada adag ee uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed isaga oona kula dar-daarmay in uu halkaas kasii wado.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *