Hogaanka Ururka Kaah oo Booqday Deegaanka Xudun-reer

Hogaanka ururka kaah oo booqday deegaanka Xudun-reer, sidoo kale salaan ugu tagay Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin oo ka mid ah hogaanka dhaqanka dawlada Puntland.

Wafti balaaran oo isugu jira hogaanka ururka ee degmada Qardho iyo kan Gobolka Karkaar, hawl-wadeenada labada xafiis, xubnaha golaha dhexe iyo masuuliyiin maalmihii lasoo dhaafay safaro shaqo ku marayay deegaanada hoos yimaada degmada Qardho ayaa gaaray deegaanka Xudun-reer.

Soo dhawayn heer sare ah ka dib waxay kulan la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada iyagga oo ku wacyi-geliyay in ay is-diiwaan geliyaan oo ay kaarka codaynta qaataan.

Waxay bulshada ku wareejiyeen agab waxbarasho oo si isku-tashi ah ay xubnaha ururku ku keeneen si uu qayb uga qaato horumarinta waxbarashada deegaanka.

Dhanka kale Xubnaha Ururka ayaa halkaas kaga dhawaaqay.

1: In ay deeq soo gaarsiin doonaan dugsigga loogu talla-gallay in caruurta lagu xareeyo si ay wax ugi bartaan.

2: In ay saldhiga Deeganka xudun-reer uu ururka ka dhisi doono 3 qol oo loogu adeego bulshada.

Gabagabdii hogaanka iyo xubnaha ururka ayaa salaan sharafeed ugu taggay Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin oo ka mid ah Isimada dhaqanka Puntland, Islaanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo nabada iyo wada-jirka bulshada, waxa uuna soo dhaweeyay hanaanka cusub ee loo guuray.

Waxa uu ugu duceeyay ummada soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland-ba in nabad iyo horumar waara rabi siiyo, in quluubtooda isu-soo dumo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *