Hay’adda Save the Children oo Soo Qaban Qaaabisay Dood Cilmiyeed ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa miisaaniyadda Dowladdu ku bixiso waxbarashada

Dood Cilmiyeedkaan ayaa waxa uu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa miisaaniyada dawladu ku bixiso waxbarashada si loo gaaro ama fursad loo siiyo ardey badan oo aan helin fursad waxbarasho. Cilmi baarista laga soo jeediyey shirka ayaa waxay tilmaamaysay in xadiga ardeyda aan dugsiyada aadin ay aad u farabadanyihiin, sidoo kalena ay u badanyihiin meelaha miyiga fog fog iyo bulshooyinka xeebaha Saaran.

waxaa la isku raacay si loo gaaro ardeydaas aadka u faraha badan in dawladu ay joogteyso oo kor u qaado miisaaniyada waxbarashada

Dood Cilmiyeedkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda Save the Children iyadoo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta sare, Wasiirka Qorshaynta Puntland, Wasiir ku xigeenka Haweenka, Wasiir Dowlaha Maaliyada, Wasiir Dowlaha Waxbarasshada, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee Haweenka, Ganacsato, maamulayasha shirkadaha Aqoonyahano ,Xubno ka kala socoto Dhamaan Xubnaha Jaamacadaha ku yalaala Magalooyinka Puntland waxaana madashaasi su’aalo lagu weydiiyay Wasiirka Waxabarashada Puntland, Wasiirka Qorshaynta Puntland, Wasiir Dowlaha Maaliyada, Wasiir ku xigeenka haweenka, Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka ah ay ku mideysan yihiin ee Puntland (PUNSAA), Faysal Axmed Warsame.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada Puntland Maxamed Cali Faarrax Farmayeeri ayaa ugu horayntii furay dood cilmiyeedka horumarinta waxbarshada Puntland,waxaana uu cadeeyey wasaaraddu inay usoo jeesatay horumarinta waxbarshada Puntland.

Waxaa uu tilmaamay horumarinta waxbarashada Puntland inaysan dabooli karin wasaaradda waxbarshada kaliya,balse loo baahanyahay inay si wadajir ah ay isaga kaashadaan Shacabka, Dowlada iyo hay’adda Waxbarashada tageera.

Xoojinta waxbarashada Dumarka yar-yar ee Macalimiinta
Sidii loo yarayn lahaa waxbarasho la’aanta dumarka iyo
Qaabka ugu wanaagsan ee dumarku uga qayb geli karaan fursadaha dhan kasta oo Waxbarashada ah.

Wasiir Dowlaha Maaliyada Mohamed C/qaadir Cismaan ayaa sheegay in xalka kaliya ee dib loogu soo celin karo dalka Waxbarashadii lacag la’aanta ahayd ay tahay in la bixiyo canshuurta dalka,wax wanaagsan ay tahay in maanta Ardayda Puntland ee Soomaliyeed ay ku fekeraan in la helo Waxbarasho tayo leh iyo fursado waxbarasho oo bilaash ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Puntland oo ka jawaabayay su’aalihi tooska ahaa ayaaa ardayda ku dhiiri galiyay in ay sii wadaan hiigsiga waxbarshada, sanadkaan cusub bilaawgiisane ay Wasaaradda wado qorsho dib loogu hirgeliyay xarumo waxbarsho oo loogu talagalay in lagu horumariyo waxbarshada dalka.

Cilmibaaristu waxa oo kale ay tilmaamtay in caabuqa COVID’19 ay saameyn ku yeelatay waxabarashada, sidoo kalena loo baahanyahay in loo qareemo oo dhamaan maalgeliyayaasha waxbarashada sida GPE, ECW, iyo EU oo mashaariicdoodu gabaabsi tahay ay sii wadaan waxbarashada si loo gaaro ardey badan oo wiilal iyo gabdho ba ka kooban.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *