Madaxweyne Deni oo Hambalyo u Diray Saxaafadda Soomaaliyeed.

Garoowe 3 May, 2021 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudame Said Abdullaahi Deni ayaa Hambalyo ku Aadan maalinta Xorriyadda Saaxafada Aduunka u diray Saaxafad Soomaliyeed.

“Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3-da May darteed, waxaan u hambalyeeynaya dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan Suxufiyiinta Puntland.

“Suxufiyiinta Puntland waxay door muhim ah kasoo qaateen dhismaha Dowladdnimada iyo horumarka, waana ku bogaadinaya sida howlkarnimada leh ee ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeynayaan .Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *